Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaacisay magacaabid iyo dib u habeyn cusub oo lagu sameeyay maamulka gobolka Bakool, maamulka degmada Xudur, iyo golaha deegaanka degmadaas.
Dib u habeyntan ayaa lagu sheegay inay qeyb ka tahay qorshaha wasaaradda ee lagu xoojinayo hufnaanta maamulka, horumarinta adeegyada bulshada, iyo xoojinta amniga guud ee gobolka iyo degmooyinka hoos yimaada. Xubnaha cusub ee maamulka ayaa la filayaa inay ka shaqeeyaan sidii loo dardar gelin lahaa mashaariicda horumarineed iyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, iyagoo la kaashanaya hay’adaha dowladda iyo bulshada rayidka ah.
Mas’uuliyiinta wasaaradda ayaa sidoo kale ku boorriyay shacabka inay la shaqeeyaan maamulka cusub si loo gaaro horumar waara iyo nabadgelyo dhab ah. Dib u habeynta maamulka gobolka Bakool iyo degmada Xudur waxay sidoo kale ka tarjumaysaa dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo nidaamka federaalka iyo kala dambeynta dowlad-goboleedyada dalka.