Mas’uuliyiin sare oo ay ugu horreeyaan Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Mursal, Xildhibaan Xasan Cabdinur iyo Xildhibaan Aadan Saransoor ayaa maanta kormeer dhiirigelin ah ku gaaray furimaha hore ee ciidamada ammaanka ee DowladaKoonfur Galbeed.
Wafdigan ayaa si diirran loogu soo dhoweeyey jiidaha hore, halkaas oo ay ku qaabileen Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha, Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Baay, Taliyaha Degmada Baydhabo, Taliyaha CID-da, Guddoomiyaha Degmada Awdiinle iyo mas’uuliyiin kale.
Mas’uuliyiinta ayaa si kulul uga hadlay duullaanka ay dowladda dhexe ku soo qaadday deegaanada Koonfur Galbeed, iyagoo sidoo kale cambaareeyey isku dirka iyo hubeynta beelaha walaalaha ah ee Deegaanadaan.