Khadija Mohamed Al-Makhzoumi oo Muqdisho ka furtay kulan lagu xoojinayo hoggaaminta haweenka

Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS oo Muqdisho ka furtay kulan Hawleed ku saabsan sare u qaadida Hogaaminta Haweenka.
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furtay kulan hawleed socon doono mudo laba cisho ah oo ku saabsan kor u qaadida Hogaaminta Haweenka Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabiyeen Dhaqdhaqaaqa Sinnaanta Jinsiga Soomaaliyeed ee SOMGEM.
Kulankan oo ay ka qeybgalayaan Hogaamiyeyaasha Haweenka, ururrada Haweenka iyo Bulshada Rayidka ayaa inta uu socdo waxaa la isku dhaafsan doonaa doodo ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa in la kordhiyo amaba sare loo qaado doorka Hogaaminta Haweenka Soomaaliyeed maadaama ay Haweenku kaalin muhiim ah uga jiraan bulshadeenna.
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi oo khudbad ka jeedisay furitaanka ayaa Haweenka uga warbixisay tallaabooyinka ay Wasaaradda Qoyska u qaaday hormarinta Hogaaminta Haweenka oo ay ka mid yihiin:- in markii ugu horeysay qoondada Haweenka lagu cadeeyey 30% sharciga Doorashooyinka iyo Sharciga Axsaabta, Ansixinta Sharciga ka hortagga Tacadiyada ka dhanka ah arrimaha Jinsiga, Sharciga ka hortagga Gudniinka Fircooniga, Sharciga Arrimaha Qoyska oo ay dhamaantood ansixiyeen Gollaha wasiirddu kuwaasoo waxbadan xuquuq siinaya Haweenka.
Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa kula dardaarantay ka qeybgalayaasha iney doodahooda kasoo saaraan tallooyin wax ku ool ah oo sii xoojin doona dadaallada ay Dowladda Soomaaliya ugu jirto Hormarinta Hogaaminta Haweenka iyo dhiiri gelintooda.