Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Soomaaliya oo Safaaradda Norway kala hadlay dedejinta xasillinta deegaannada laga xoreeyay Kooxda AS.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Ali Yusuf Ali Xoosh, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Safiir ku-xigeenka Safaaradda Norway ee Soomaaliya, Marwo Merete Dyrud.

Kulankan oo ahaa mid diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac, ayaa waxaa si gaar ah looga hadlay dadaallada socda ee lagu xasilinayo deegaannada dhowaan laga xoreeyay Khawaarijta, iyadoo la isla gartay muhiimadda ay leedahay in si degdeg ah loo gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah bulshada ku nool goobahaas.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha dib-u-heshiisiinta dalka, iyaga oo carrabka ku adkeeyay in dib-u-heshiisiintu ay laf-dhabar u tahay nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, isla markaana loo baahan yahay in la xoojiyo wada-hadallada iyo is-aaminaadda bulshada dhexdeeda.

Intaa waxaa dheer, kulanka ayaa lagu lafaguray hirgelinta nidaamka dowladaha hoose, iyadoo la isla qaatay in dhismaha maamullo maxalli ah oo shaqeeya ay door weyn ka qaadanayaan horumarinta adeegyada bulshada iyo kobcinta dowladnimada dalka.

Ugu dambeyn, Wasiirka Arrimaha Gudaha Ali Yusuf Ali Xoosh ayaa uga mahadceliyay dowladda Norway taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada xasillinta, dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta dowladaha hoose, isagoo xusay in iskaashiga noocan ahi uu muhiim u yahay dib-u-dhiska iyo horumarka dalka.