Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa dagaal dagaal u dhaxeeyay shacab is uruursaday iyo xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab oo maanta ka dhacay gobolka Mudug, gaar ahaan degaanka lagu magacaabo Maamiye oo ku dhaw degaanada Caad iyo Camaara.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Shabaab ay dadka degaanka ku amreen inay soo wareejiyaan wiilashooda ay da’ooda u dhaxeyso 10 ilaa 15 sano, si loo askareeyo ugana qeyb qaataan dagaalka Shabaab ay kula jiraan ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM, balse dadka degaanka ayaa ka soo horjeestay arrintaasi.
Dadka shacabka ah ee dagaalka kula jira Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay heleen gurmadyo kala duwan oo uga yimid Koonfurta Mudug, taasi ayaana ku dhiiragelisay inay la dagaalamaan Shabaab.
Qof ka mid ah dadka degaanka oo la hadlay warbaahinta  ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in dagaalkan ay ku dileen Afar nin oo ka tirsanaa Shabaab, dhankooda ayuu tilmaamay in dagaalka looga dilay Hal ruux.