Baydhabo oo Maanta Degan, Iyadoo Mas’uuliyiin Sare la Filayo inay Gaaraan Magaalada.

Baydhabo ayaa maanta ku jirta xaalad degan, kadib isbeddelladii siyaasadeed iyo kuwa amni ee shalay ka dhacay magaalada.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa si buuxda u sugaya amniga, iyagoo ka shaqeynaya ilaalinta nabadgelyada shacabka iyo xasiloonida guud ee magaalada. Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale adkaysay in si taxaddar leh loola dhaqmo shacabka, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara cabsi ama qalalaase.

Wararka la helayo waxay sheegayaan in goor dhow uu Baydhabo soo gaari doono Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, taasoo muujinaysa muhiimadda ay dowladda federaalku siinayso xaaladda magaalada iyo dadaallada lagu xoojinayo xasiloonida.

Dhanka kale, waxaa magaalada ka socda kulamo ay yeelanayaan siyaasiyiinta Koonfur Galbeed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo looga tashanayo mustaqbalka siyaasadeed iyo jihada cusub ee maamulka.

Laftagareen oo muddo toddobo sano ah hoggaaminayay maamulka Koonfur Galbeed ayaa shalay si rasmi ah isaga casilay xilkii, kadib markii uu ka baxay guud ahaan deegaannada maamulkaasi.

Sidoo kale, Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku guuleystay inay dib u furaan waddooyinka muhiimka ah ee u dhexeeya Afgooye iyo Baydhabo, iyagoo ka saaray kooxda Al-Shabaab, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Guud ahaan, xaaladda Baydhabo maanta waa mid degan, iyadoo la filayo in saacadaha iyo maalmaha soo socda ay sii kordhaan dadaallada lagu xasilinayo magaalada iyo guud ahaan gobolka.