Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) oo Qabatay Kulankii Ugu Horreeyay ee Qorshaha Sugnaanta Cunnada.

Waxaa maanta xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) lagu qabtay kulankii ugu horreeyay ee Guddiga Wadajirka ah ee hagaya fulinta Qorshaha U Diyaargarowga Dhibaatooyinka Sugnaanta Cunnada (FSCPP).
Kulanka waxaa wada shir guddoomiyay Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Kamaal Guutaale iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, waxaana ka qeyb galay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya George Conway, hay’adaha Qaramada Midoobay sida WFP, OCHA, UNICEF iyo FAO, Bangiga Adduunka, Midowga NGO-yada, iyo wakiillo ka socday wasaaradaha Dowladda Federaalka.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray dardargelinta wejiga koowaad ee qorshaha FSCPP, oo loogu talagalay wax ka qabashada xaaladda abaarta iyo amni darrada cunnada ee sii kordheysa. Sidoo kale, waxaa la falanqeeyay horumarka deeqihii lagu ballanqaaday shirkii Bangiga Adduunka iyo baahida loo qabo in la dedejiyo gaarsiinta gargaarka.
Guddiga ayaa adkeeyay muhiimadda isku-duwidda dadaallada dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah, iyadoo mudnaan la siinayo bulshooyinka ugu daran ee ay abaartu saameysay.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, waxuu ku baaqay in la xoojiyo dadaallada gurmadka iyo taageerada la gaarsiinayo dadka ay saameeyeen abaaraha dalka.