Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim, iyo wafdigeeda ayaa ka qayb galay shirka Golaha Guud ee GANHRI, oo ka socda xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva. Shirkani wuxuu fursad muhiim ah u yahay Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya (GMXIQ), oo markii ugu horreysay ka qaybgelaya shirweynahan. Doodaha Golaha Guud ee saaka ayaa diiradda lagu saaray horumarka hay’adaha xuquuqda aadanaha ee caalamka, iskaashiga heer gobol, arrimaha aqoonsiga (accreditation), iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha xuquuqul insaanka ee dalalka Afrika, Aasiya, Yurub iyo Ameerika, iyo sidoo kale Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay (OHCHR) iyo UNDP. Golaha ayaa sidoo kale ansixiyay qorshaha shaqo iyo miisaaniyadda GANHRI ee sanadka 2026, si loo dejiyo jihada istaraatiijiyadeed ee lagu xoojinayo hay’adaha madax-bannaan ee wax ku oolka ah, kuwaas oo ka shaqeeya kor u qaadista iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha ee dalalka ku bahoobay isbahaysiga GANHRI.