Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ansixiyey hindise-sharciyeedyo, heshiisyo iyo xeer-nidaamiyayaal muhiim u ah horumarinta hay’adaha dowladda iyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah.
Kulanka ayaa lagu meel mariyey qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Hindise-Sharciyeedka Hey’adda Maamulka Garoommada Diyaaradaha Soomaaliyeed, Siyaasadda Qaran ee ilaalinta badqabka rayidka xilliyada colaadaha, Hindise-Sharciyeedka la-dagaallanka tahriibta iyo ka ganacsiga dadka, iyo Xeer-nidaamiyaha Sharciga Shaqada Arrimaha Dibadda. Sidoo kale, Golaha ayaa ansixiyey heshiisyo caalami ah iyo is-afgaradyo ay Soomaaliya la gashay dalal kale, kuwaas oo muhiim u ah badqabka badda, ilaalinta deegaanka iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed.
Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale si weyn u bogaadiyey ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, kuwaas oo guulo ka gaaray howlgallada ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta, iyagoo xoreeyey deegaanno hor leh, isla markaana sii wada dadaallada lagu xaqiijinayo amniga guud ee dalka. Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga ayaa golaha la wadaagay warbixin ku saabsan howlgalada socda iyo qorshayaasha lagu ciribtirayo kooxaha wali ku dhuumaaleysanaya deegaanno kooban.
Dhanka kale, Golaha ayaa ammaanay shacabka ku nool Baydhabo iyo guud ahaan Koonfur Galbeed, sida ay u garab istaageen ciidamada qaranka, isla markaana ay si wanaagsan u soo dhaweeyeen. Waxaa sidoo kale la bogaadiyey sida masuuliyadda leh ee ciidamada u fureen waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.
Ugu dambeyn, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhinacyada ay colaadaha u dhexeeyaan inay si degdeg ah u joojiyaan dagaalka, qaataanna wadahadal nabadeed. Waxa ay sidoo kale ugu baaqday maamulka Somaliland inay door firfircoon ka qaataan dejinta xaaladaha, halka hoggaanka dhaqanka, culimada iyo waxgaradka bulshada looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasilloonida, si loo helo xal waara oo looga gudbo colaadaha soo noqnoqda.