Madaxweyne Xasan Sheekh oo Gaaray Baydhabo iyo Kulamo Muhiim ah oo Ka Bilaabanaya Mustaqbalka Koofur Galbeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa duhurnimadii maanta gaaray magaalada Baydhabo oo ah xarunta Gobolka Baay, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay. Soo dhaweynta Madaxweynaha waxaa ka qeyb qaatay mas’uuliyiin kala duwan, maamulka Kumeelgaarka ah ee Koofur Galbeed, saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, iyo sidoo kale dadweyne tiro badan oo ka kala yimid xaafadaha magaalada Baydhabo.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ayaa lagu arkayay shacabka oo muujinaya taageeradooda, iyagoo xirnaa shaati gaduud, taas oo ka dhigtay soo dhaweynta mid si weyn loo dareemay.

Wararka ayaa sheegaya in saacadaha soo socda magaalada Baydhabo ay ka billaaban doonaan kulamo muhiim ah oo looga arrinsanayo mustaqbalka Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, gaar ahaan kaddib isbeddeladii lagu sameeyay maamulkii hore ee ka jiray halkaas.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo deegaan doorashadiisu tahay Koofur Galbeed, ayaa horay u waday kulamo muhiim ah. Waxaa la filayaa in xogaha iyo talooyinka kasoo baxay kulamadaas uu la wadaago Madaxweynaha, si loo gaaro go’aanno wax ku ool ah oo ku saabsan jihada mustaqbalka ee maamulka Koofur Galbeed.