Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Asad Cusmaan Cabdullaahi, Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha XDS Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa kormeer ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan magaalada Baydhabo.
Geesiyashaan ayaa horay ugu guuleystay howlgal qorsheysan oo lagu furayay waddada muhiimka ah ee isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, taas oo muhiim u ah isu socodka bulshada iyo ganacsiga.
Saraakiisha sare ayaa ciidamada ku sugan Baydhabo ku bogaadiyay guusha ay gaareen, iyagoo ku ammaanay geesinimadooda, dadaalkooda iyo sida ay uga go’an tahay sugidda amniga iyo la dagaallanka kooxaha Khawaarijta.
Waxay sidoo kale ku dhiirrigeliyeen in la sii xoojiyo howlgalada lagu xaqiijinayo amniga waddooyinka iyo deegaannada muhiimka ah ee dalka.