Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Cali Cabdulaahi Isaaq u Magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada

Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa Cali Cabdulaahi Isaaq u magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kadib wareegto rasmi ah oo ka soo baxday xafiiskiisa.

Magacaabistan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo habsami u socodka shaqada Madaxtooyada iyo kor u qaadidda waxtarka maamulka, iyadoo Cali Cabdulaahi Isaaq lagu tilmaamay shaqsi leh khibrad iyo karti hoggaamineed oo kaalin muuqata ka qaadan kara howlaha muhiimka ah ee horyaalla Madaxtooyada.

Hoggaamiyaha ayaa xusay in Agaasimaha cusub laga filayo inuu dardar geliyo isku dubaridka howlaha xafiiska Madaxtooyada, hagaajinta nidaamka shaqo, iyo xoojinta xiriirka u dhexeeya hay’adaha kala duwan ee dowlad goboleedka. Wuxuu sidoo kale faray dhammaan shaqaalaha Madaxtooyada inay si dhow ula shaqeeyaan Agaasimaha cusub si loo gaaro yoolalka horumarineed ee maamulka.

Dhankiisa, Cali Cabdulaahi Isaaq ayaa uga mahadceliyey Hoggaamiyaha kalsoonida uu siiyey, isagoo ballanqaaday inuu si hufan oo daacadnimo ku jirto u gudan doono waajibaadka loo igmaday, islamarkaana uu ka shaqeyn doono horumarinta adeegyada iyo howlaha Madaxtooyada.

Magacaabistan ayaa imaneysa xilli maamulka Koonfur Galbeed uu wado dib-u-habeyn iyo xoojinta hay’adaha dowliga ah, si loo hubiyo adeegyo tayo leh iyo maamul hufan oo u adeega shacabka.