Musharax Madaxweyne ee Koonfur Galbeed iyo hogaamiyaha Xisbiga Democratic Party for Change (DPC), Mudane Maxamed Aadan Farkeeti, ayaa maanta soo gaaray magaalada Baydhabo, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Shaati-Gaduud. Soo dhaweyntan ayaa ahayd mid balaaran oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan maamulka, odayaasha dhaqanka, haween, dhalinyaro, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, taas oo muujineysa taageerada uu musharaxu ku leeyahay gudaha gobolka.
Kadib marka uu ka degay garoonka, wafdiga Musharaxa ayaa loo galbiyey gudaha magaalada, halkaas oo lagu qabtay munaasabad soo dhaweyn rasmi ah. Munaasabaddan ayaa noqotay fursad uu Mudane Maxamed Aadan Farkeeti kula kulmay bulshada deegaanka, isaga oo kala qeybiyey aragtidiisa siyaasadeed, qorshayaasha uu u haysto horumarinta Koonfur Galbeed, iyo sida uu uga go’an yahay adeegyada bulshada iyo dimoqraadiyadda.
Soo dhaweyntan balaaran ayaa astaan u ah xiisaha siyaasadeed ee ka jira Baydhabo iyo guud ahaan Koonfur Galbeed, iyadoo taageerayaashu ay muujiyeen diyaar-garow iyo niyad wanaagsan oo ku aaddan ololaha musharaxnimada Mudane Maxamed Aadan Farkeeti. Waxay sidoo kale cadeyn u tahay xiriirka dhow ee uu musharaxu la leeyahay bulshada deegaanka iyo sida uu uga go’an yahay ka qeybgalka tooska ah ee shacabka ee geeddi-socodka doorashooyinka.