Hoggaamiyaha ku meel-Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee (SODMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha abaareed ee ka jira deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed iyadoo Hoggaamiyaha uu ka dhageystay Guddoomiyaha warbixin faahfaahsan oo ku saabsan heerka abaarta, saameynta ay ku yeelatay bulshada, iyo dadaallada socda ee lagu gaarsiinayo gurmadka degdegga ah dadka ay dhibaatadu saameysay.
Guddoomiyaha SODMA ayaa xusay in hay’addu ay ka go’an tahay dardargelinta howlaha gurmadka, isla markaana ay wado qorshayaal lagu xoojinayo gaarsiinta kaalmooyinka bini’aadannimo ee degdegga ah, si loo yareeyo saameynta abaarta.
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga ka dhexeeya hay’adaha dowladda iyo kuwa samafalka, si loo hubiyo in gargaar wax ku ool ah oo degdeg ah la gaarsiiyo shacabka ay abaartu saameysay.
Kulanka Hogaamiye Jabriil waxaa ku wehlinayey Wasiirada Wasaraadaha Qorshaynta, Gargaarka iyo La Taliye Sare Xafiiska Madaxweynaha Arimaha Gargaarka.