Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan. Kulankan ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa howlaha doorashooyinka, loona xoojin lahaa wada-shaqeynta ka dhaxeysa Dowladda Koonfur Galbeed iyo Guddiga Madaxa-bannaan.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la xaqiijiyo hannaanka doorashooyin hufan, daahfuran, oo caddaalad ku dhisan, si loo xoojiyo dimuqraadiyadda, maamul wanaagga, iyo dowlad-dhiska dalka. Waxay sidoo kale ka wada hadlay sidii loo abuuri lahaa jawi doorasho oo nabdoon, islamarkaana u saamaxaya shacabka in ay si xor ah oo hufan uga qayb qaataan geeddi-socodka doorashooyinka.
Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa bogaadiyay dadaallada Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka, isagoo caddeeyay in Dowladda ay si buuxda u taageereyso howlaha muhiimka ah ee lagu xaqiijinayo doorashooyin xor iyo xalaal ah. Wuxuu sidoo kale ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dhiso iskaashi waara oo dhex mara hay’adaha dowladda iyo guddiyada madax-bannaan, si loo gaaro yoolalka qaran ee la xiriira doorashooyinka iyo horumarinta maamul wanaagga.
Dhanka kale, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa bogaadiyay taageerada Dowladda Koonfur Galbeed, isaga oo xusay in iskaashiga labada dhinac uu yahay furaha guusha doorashooyinka hufan. Wuxuu cadeeyay in guddigu uu ka go’an yahay in uu hirgeliyo geeddi-socod doorasho oo ku saleysan daahfurnaan, caddaalad, iyo ka qaybgalka dhammaan qaybaha bulshada.
Labada dhinac ayaa ugu dambeyn ku heshiiyay in la xoojiyo wada-shaqeynta joogtada ah, iyadoo la qorsheynayo kulamo iyo shirar dheeraad ah oo lagu hubinayo horumarka howlaha doorashooyinka iyo hirgelinta nidaam maamul oo hufan.
Kulankan ayaa sidoo kale muujinaya sida Dowladda Koonfur Galbeed iyo Guddiga Madaxa-bannaan ay uga go’an tahay in la dhiso bulsho dimuqraadi ah, u hoggaansan sharciga, islamarkaana leh dowlad maamuleed oo hufan. Waxaa la filayaa in iskaashigan uu xoojin doono kalsoonida shacabka ee habka doorashooyinka, islamarkaana uu qeyb ka qaadan doono xoojinta nabadda iyo horumarka gobolka.