Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Hon Ali Yusuf Ali – Xoosh oo howlo shaqo ujooga magaalada Baydhabo ayaa kaqeybgalay munaasabad qado sharaf ah oo ay sameeyeen mas’uuliyiinta wasiirrada iyo xildhibaannada maamulka Koonfur Galbeed.
Mas’uuliyiinta lagu casuumay martiqaadka qado sharafta ah oo ka socday heerarka kala duwan ee dowladda federaalka ah sida; laanta fulinta, laanta sharcidejinta, ciidanka iyo qeybo kale ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS, wasiidu dowleyaal, wasiir kuxigeenno, taliyeyaasha Xoogga dalka iyo Booliiska ee dowladda Federaalka ah iyo saraakiil kale oo ka tirsan heerarka kala duwan ee federaalka ah .
Inta ay munaasadda socotay waxaa la iska wareystay xaaladda Koonfur Galbeed, adkeynta amniga iyo xasillonida iyo guud ahaan xoojinta wadajirka iyo midnimada.