Madaxweynaha Siciid Cabdullaahi Deni oo safar shaqo ku jooga Qardho, ayaa maanta kulan ballaaran oo mahadcelin iyo bogaadin isugu jira la yeeshay saraakiisha iyo hoggaanka Ciidanka Dowladda Puntland ee ka qeyb qaatay hawlgallada amni ee ka socday deegaannada Calmiskaad.
Kulankan oo uu madaxweynaha kala qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Maxamed Baari Shire, ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay guulihii la taaban karo ee ay ciidamadu ka gaareen Hawlgalka Hillaac, kaas oo si rasmi ah loo soo gebogabeeyay, isla markaana horseeday xasillooni iyo sugnaansho amni oo muuqata.
Saraakiisha ciidamada ayaa kulanka ka jeediyay warbixinno faahfaahsan oo ku saabsan marxaladihii uu soo maray hawlgalku, caqabadihii la kulmay, iyo sida ay ugu suurtagashay inay ka adkaadaan khatarihii jiray. Waxay sidoo kale sharxeen muhiimadda iskaashiga ka dhexeeya ciidamada kala duwan iyo taageerada shacabka oo door weyn ka ciyaartay guusha hawlgalka.
Madaxweynaha ayaa ku ammaanay ciidamada geesinimada, adkaysiga, iyo naf-hurnimada ay muujiyeen, isagoo tilmaamay in guulaha la gaaray ay yihiin kuwo muhiim u ah xoojinta dowladnimada iyo kalsoonida shacabka ee hay’adaha amniga. Wuxuu xusay in Puntland ay ka go’an tahay sii xoojinta tayada iyo awoodda ciidamada si ay u wajahaan caqabadaha amni ee mustaqbalka.
Sidoo kale, kulanka waxaa diiradda lagu saaray diyaar-garowga hawlgalka cusub ee Onkod oo la filayo inuu ka bilaabmo buuraha Calmadow. Hawlgalkan ayaa la filayaa inuu noqdo mid sii xoojiya dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha khatarta ku ah amniga, iyadoo la adeegsanayo qorshe istaraatiiji ah, tababaro casri ah, iyo isku dubbarid heer sare ah.
Madaxweynaha ayaa ciidamada kula dardaarmay inay sii xoojiyaan feejignaanta, wadajirka, iyo ilaalinta anshaxa ciidannimo, isaga oo xusay in difaaca dhulka, dadka iyo dowladnimada Puntland ay tahay waajib qaran oo mudan in mar walba loo heellan yahay.
Ugu dambeyn, kulanka ayaa kusoo dhammaaday jawi dhiirrigelin iyo kalsooni leh, iyadoo la isla qaatay in la sii wado dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta, horumar, iyo xasillooni buuxda oo ka hanaqaada guud ahaan deegaannada Puntland.