Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan muhiim ah la qaatay Mudane Raisedon Zenenga, Ku-simaha Madaxa Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kala-guurka Soomaaliya (UNTMIS), oo ay wehelinaysay Marwo Lebogang Diteko, Sarkaal Sare oo Arrimaha Siyaasadda ah.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo xiriirka iyo wada-shaqeynta u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan xilligan kala-guurka ah ee hawlgalka UNTMIS. Intii uu kulanku socday, labada dhinac waxay si qoto dheer uga wada hadleen geeddi-socodka kala-guurka, iyagoo isla falanqeeyay sidii loo xaqiijin lahaa in howlaha socda ay si habsami leh u gudbaan, islamarkaana aanay u hakad gelin taageerada muhiimka ah ee la siiyo Soomaaliya.
Sidoo kale, waxaa diiradda la saaray muhiimadda ay leedahay xoojinta isku-duwidda iyo wada shaqeynta hay’adaha kala duwan, si loo hubiyo in taageerada caalamiga ah ay si buuxda ula jaanqaaddo mudnaanta iyo qorshayaasha horumarineed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wasiiru-Dowlaha ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay hoggaamiso jihada iskaashiga caalamiga ah, iyadoo la tixgelinayo baahiyaha dhabta ah ee dalka iyo himilooyinka mustaqbalka.
Dhankiisa, Ku-simaha Madaxa UNTMIS, Mudane Raisedon Zenenga, ayaa bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dhinacyada dowlad-dhiska, nabadeynta iyo xoojinta hay’adaha dowliga ah. Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay sida ay Qaramada Midoobay uga go’an tahay in ay sii wado taageerada ay siiso Soomaaliya, si loo xaqiijiyo kala-guur guuleysta oo horseeda xasillooni siyaasadeed iyo horumar waara.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan in la sii xoojiyo iskaashiga dhow ee u dhexeeya labada dhinac, isla markaana si wadajir ah looga shaqeeyo hirgelinta qorshayaasha mudnaanta leh ee qaranka, taasoo ka tarjumaysa xiriir adag oo ku dhisan kalsooni, ixtiraam iyo wadajir.