Soomaaliya iyo Liibiya oo isku raacay dib u celinta 400 oo dhalinyaro ah

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cali, ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay dhiggiisa dalka Liibiya, Mudane Daahir Al-Baour, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga iyo saaxiibtinimada u dhaxeysa labada dal.

Kulanka ayaa si qoto dheer diiradda loogu saaray arrimaha tahriibka iyo socdaalka sharci-darrada ah, oo ah caqabado waaweyn oo saameeya dhalinyarada Soomaaliyeed. Labada Wasiir ayaa isla falanqeeyay khataraha iyo dhibaatooyinka ay la kulmaan dhalinyarada ku safarta marinnada halista ah, gaar ahaan kuwa u kala goosha saxaraha iyo badda, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loola dagaallamo shabakadaha dambiyada abaabulan ee ka faa’iideysta tahriibayaasha.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa isku raacay in la xoojiyo wada-shaqeynta dhinacyada amniga, xog-isweydaarsiga, iyo wacyigelinta bulshada si loo yareeyo tahriibka, loona badbaadiyo nolosha dhalinyarada Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, waxaa la isku afgartay in dib loogu soo celiyo dalka ilaa 400 oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo ku sugan Liibiya, kuwaas oo la qorsheynayo in si nabad ah loogu soo celiyo dalkooda. Labada Wasiir ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladaha gobolka iyo caalamka, iyagoo ku heshiiyay in la sii xoojiyo iskaashiga labada dal si loo gaaro danaha wadajirka ah.