Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u magacowday Guddiga Farsamada ee Wada-hadalka iyo Dib-u-heshiisiinta maamulka Koonfur Galbeed, kaasi oo loo xil saaray dardar-gelinta iyo fududeynta geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta iyo xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada kala duwan ee siyaasadda iyo bulshada.
Tallaabadan ayaa lagu sheegay mid muhiim ah oo qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso in lagu xoojiyo nabadda, xasilloonida, iyo isfahamka gudaha maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo la tixgelinayo xaaladaha siyaasadeed ee ka jira deegaannadaas.
Guddigan cusub ayaa la filayaa in uu ka shaqeeyo fududeynta wada-hadallo u dhexeeya siyaasiyiin kala aragti duwan, waxgaradka, iyo bulshada rayidka ah, si loo helo xal waara oo lagu soo afjaro khilaafaadka siyaasadeed ee soo noqnoqda.
Dhanka kale, magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku sugan siyaasiyiin kala aragti duwan oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo la sheegay in ay ka qeyb qaadan doonaan wada-hadallada iyo isfahamka la doonayo in la gaaro. Arrintan ayaa lagu tilmaamay mid fure u ah xasilinta jawiga siyaasadeed iyo horumarinta wada-shaqeynta bulshada.
Ugu dambeyn, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay sii wadista dadaallada dib-u-heshiisiinta, si loo xaqiijiyo midnimo, nabad waarta, iyo horumar ay wada gaaraan shacabka ku nool Koonfur Galbeed.