Madaxweynaha oo Daah-Furay Xarunta Isgaarsiinta iyo Taakuleynta Ciidanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Taliska Taakuleynta iyo Hoggaanka War isgaarsiinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo qeyb ka ah qorshaha dib u dhiska kaabeyaasha muhiimka u ah maamulka, isku-duwidda iyo taageerada howlgalada ciidamada.
Madaxweynaha oo kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee dhismayaasha ayaa xusay in dhismayaashan cusub ay xoojinayaan awoodda ciidanka ee dhinacyada sahayda, isku xirka howlgalada, maamulka xogta iyo wada xiriirka, taasi oo muhiim u ah guusha howlgalada amni ee dalka.
Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhagax dhigay Xarunta Daryeelka Agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo ay fulinayaan CXDS, taas oo loogu talagalay in lagu daryeelo carruurta ay ka tageen halyeeyadii ciidanka ee naftooda u huray difaaca dalka.
Xaruntan ayaa ka koobnaandoonta adeegyo dhammaystiran oo ay ku jiraan goobaha waxbarashada, deegaan nololeed ku habboon iyo barbaarin dhameystiran, si loo hubiyo mustaqbalka iyo horumarka ubadka ay ka geeriyoodeen halyeeyadii ku shahiiday difaaca Qaranka.