Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo yeelatay Agaasime Guud cusub

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa (XFS), Mudane Xasan Xuseen Maxamed, ayaa maanta si rasmi ah xilka u kala wareejiyay Agaasimaha Guud ee cusub, Dr. Guuleed Cabdijaliil, iyo Agaasimihii hore, Dr, Maxamed Saney Dalmar.
Munaasabadda xil wareejinta, oo ka dhacday xarunta Wasaaradda, ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiru Dowlaha iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda, Agaasime waaxeedyada, shaqaalaha, iyo marti sharaf kale.
Agaasimihii hore, Dr.Maxamed Saney Dalmar, ayaa ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay intii uu xilka hayay, halka Agaasimaha cusub, Dr. Guuleed Cabdijaliil, uu ballan qaaday inuu sii xoojin doono shaqooyinka Wasaaradda hortabinta u leh.
Wasiir ku xigeenka Mudane Aadan Maxamed Cali iyo Wasiiru Dowlaha Dr. Suleymaan Cali Xuseen ayaa sidoo kale sagootiyay agaasimihii hore waxayna soo dhaweeyeen agaasimaha cusub.
Wasiirka, oo gunaanadkii soo xiray munaasabadda, ayaa ammaanay kaalinta agaasimihii hore ee horumarinta wasaaradda, wuxuuna u rajeeyay agaasimaha cusub guul.