Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Azerbaijan, Mudane Cabdinuur Daahir Fiidow, ayaa si rasmi ah waraaqihiisa aqoonsiga safiirnimo ugu gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Ilham Aliyev.
Intii lagu guda jiray kulanka, Safiirka ayaa Madaxweynaha u gudbiyay salaan uu ka siday Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo si diirran looga guddoomay, kuna muujinaysa xiriirka sii kobcaya ee u dhexeeya labada dal.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu xusay booqashadii taariikhiga ahayd ee sanadkii 2025 uu Madaxweynaha Soomaaliya ku tagay Azerbaijan, taasoo furtay bog cusub oo xiriirka laba geesoodka ah.
Labada dhinac waxay muujiyeen horumarka xiriirka siyaasadeed, iyagoo adkeeyay muhiimadda ballaarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, tamarta, waxbarashada, iyo horumarinta hay’adaha dowliga ah, oo ay ku jirto hirgelinta nidaamka ASAN Khidmet ee Azerbaijan laga hirgeliyo Soomaaliya.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu muujiyay dadaalka Soomaaliya ay ugu jirto ballaarinta xiriirkeeda diblomaasiyadeed iyo kala-duwanaanshaha iskaashiyada istiraatiijiga ah.
Labada dhinac waxay mar kale xaqiijiyeen rabitaankooda ku aaddan xoojinta iskaashiga heer gobol iyo heer caalami, si xiriirka siyaasadeed loogu beddelo iskaashi wax ku ool ah oo dan wadaag ah.
Madaxweynaha Azerbaijan ayaa u rajeeyay Safiirka guul, halka Safiir Cabdinuur Daahir uu caddeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta xiriirka labada dal.
Home Wararka Maanta Safiirka Soomaaliya ee Azerbaijan oo Waraaqaha Aqoonsiga u Gudbiyay Madaxweyne Ilham Aliyev