Dekedda Muqdisho oo Martigelisay Wafdi ka Socday Cumaan si Loo Xoojiyo Iskaashiga Badda

Maareeye Ku-Xigeenka Dekedda Muqdisho, Mudane Cabdullaahi Kaarshe, ayaa maanta xarunta Dekedda Muqdisho ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Cumaan, gaar ahaan Shirkadda Caalamiga ah ee Maraakiibta iyo Adeegyada Badda ee Khaliijka (GISMCO).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca maraakiibta iyo adeegyada badda, iyada oo si gaar ah loo falanqeeyay fursadaha ay maraakiibta ka diiwaangashan Cumaan uga soo xiran karaan Dekedda Muqdisho. Sidoo kale, labada dhinac waxay isla qaateen muhiimadda ay leedahay horumarinta ganacsiga badda iyo kobcinta xiriirka ganacsi ee labadda Dal.