Puntland oo Bilowday Ololaha Beerista Hal Milyan oo Geed

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa si rasmi ah u daah-furay toddobaadka dhiraynta Puntland, munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay qabanqaabisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada. Daah-furkan ayaa muujinaya dadaallada sii xoogeysanaya ee Puntland ay ugu jirto ilaalinta deegaanka iyo la dagaallanka saameynta isbeddelka cimilada.

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Deegaanka ayaa Madaxweyne Ku-xigeenku ku beeray geedkii ugu horreeyay ee ololaha toddobaadka dhiraynta, taas oo astaan u ah bilowga qorshe ballaaran oo lagu beeri doono 1,000,000 (hal milyan) oo geed guud ahaan deegaanada Puntland. Qorshahan ayaa lagu doonayaa in dib loogu soo nooleeyo deegaanka, laguna yareeyo xaalufka sii kordhaya.

Khudbad uu halkaasi ka jeediyay Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa si qoto dheer diiradda loogu saaray muhiimadda dhir-beeristu u leedahay nolosha bulshada iyo badbaadinta deegaanka. Wuxuu tilmaamay in dhirtu door weyn ka qaadato ka hortagga xaalufka, ilaalinta ciidda, iyo yaraynta saameynta taban ee isbeddelka cimilada, isaga oo xusay in loo baahan yahay ka qaybgal ballaaran oo ay bulshada oo dhan ka qaadato ololahan.

Sidoo kale, Madaxweyne Ku-xigeenku wuxuu ugu baaqay shacabka Puntland, hay’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay inay si firfircoon uga qeyb qaataan dhiraynta, si loo gaaro hadafka la hiigsanayo ee ah deegaan cagaaran oo waara.

Munaasabadda waxaa Madaxweynaha kala qeyb galay Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Wasiirada Caafimaadka, Qorshaynta, Xanaanada Xoolaha, Wasiir ku-xigeennada Kalluumaysiga iyo Shaqada iyo Shaqaalaha, Guddoomiyaha gobolka Nugaal, xubno ka tirsan Baarlamaanka iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo dhammaantood muujiyay taageerada ay u hayaan ololaha dhiraynta.

Ugu dambeyn, daah-furka toddobaadka dhiraynta Puntland ayaa kusoo dhammaaday jawi wanaagsan oo dhiirrigelin leh, iyadoo la rajeynayo in ololahani uu noqdo mid miro-dhal ah oo horseeda deegaan caafimaad qaba iyo mustaqbal waara.