Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Ayuub Ismaaciil Yusuuf, ayaa shir-guddoomiyay kulan muhiim ah oo dhex maray Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, kaas oo diiradda lagu saaray saameynta ka dhalatay go’itaanka buundooyinka Sabiib iyo Bariire.
Kulankan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda ayaa ahaa mid muhiimad gaar ah leh, maadaama buundooyinkan ay laf-dhabar u ahaayeen isu socodka gaadiidka iyo isku xirka deegaanada wax-soo-saarka beeraha iyo suuqyada waaweyn. Go’itaanka buundooyinkan ayaa si weyn u saameeyay ganacsiga, gaadiidka iyo nolosha beeraleyda ku nool deegaannadaasi, taas oo keentay caqabado dhanka isku socodka iyo gaarsiinta dalagyada.
Wasiirka waxaa kulanka ku wehlinayay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Maxamed Xuseen Gaaraxo, Agaasimaha Guud Mudane Faarax Cabdinuur Axmed, la-taliyayaal sare iyo madaxda mashaariicda ee Wasaaradda hoos timaada, kuwaas oo dhammaantood ka qayb qaatay falanqaynta xaaladda jirta iyo xal u raadinta arrintan.
Dhanka kale, kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, Mudane Maxamed Xayri Maareeye, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas, kuwaas oo si faahfaahsan uga warbixiyay saameynta ba’an ee ay go’itaanka buundooyinkani ku yeesheen wax-soo-saarka beeraha iyo nolosha beeraleyda. Waxay tilmaameen in dhibaatooyinka jira ay saameyn ku yeesheen gaadiidka qaada dalagyada, isla markaana ay hoos u dhigeen isku socodkii suuqyada iyo beeraha.
Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer looga dooday xalalka suurtagalka ah ee lagu wajihi karo dhibaatadan, iyadoo la isla gartay in loo baahan yahay iskaashi dhow iyo qorshe mideysan oo ay wadajir u fuliyaan hay’adaha dowladda ee ay khusayso arrintani.
Kulankan oo ahaa mid hordhac ah ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray diyaarinta ajendaha kulan ballaaran oo la filayo inay ka qayb galaan Wasaaradaha Beeraha, Gaashaandhigga, Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta, Rugta Ganacsiga iyo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA), si loo helo xal waara oo lagu xallin karo caqabadaha ka dhashay go’itaanka buundooyinka Sabiib iyo Bariire.
Ugu dambeyn, kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad iyo rajo wanaagsan oo laga qabo in si degdeg ah loo qaado tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu soo celinayo isu socodka iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi ee deegaanada ay saameeyeen buundooyinkan go’ay.