Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo Shir La Qaatay Agaasime Waaxeedyada

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Guuleed Cabdijaliil Cali, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Agaasimeyaasha waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha shaqo iyo horumarinta waxqabadka guud ee Wasaaradda.

Kulankan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda ayaa ahaa mid si qoto dheer looga falanqeeyay ajendayaal muhiim ah, kuwaas oo ay ugu horreeyaan dardargelinta howlaha Wasaaradda, dhameystirka Qorshaha sanadka 2026, iyo sidii qorshahaasi si buuxda ula jaanqaadi lahaa Qorshaha Horumarinta Qaranka. Sidoo kale, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray kor u qaadista hufnaanta shaqo, tayeynta waxqabadka, iyo xoojinta isla xisaabtanka howl-wadeennada Wasaaradda.

Intii uu socday kulanka, Agaasimaha Guud iyo Agaasimeyaasha waaxyaha ayaa si wadajir ah uga dooday caqabadaha jira iyo fursadaha horumarineed ee u baahan in laga faa’iideysto, si loo gaaro yoolalka istiraatiijiga ah ee Wasaaradda. Waxaa sidoo kale la isku raacay in la xoojiyo nidaamka kormeerka iyo qiimeynta si loo hubiyo in howlaha Wasaaradda ay u socdaan si qorsheysan oo waafaqsan himilooyinka la dejiyay.

Dhanka kale, kulanka waxaa lagu diyaariyey jadwal shaqo oo mideysan, kaas oo isku duwaya howlaha kala duwan ee Wasaaradda, isla markaana la fulin karo, kana tarjumaya mudnaanta shaqo ee jirta. Jadwalkan ayaa la filayaa inuu door muhiim ah ka qaato hirgelinta qorshayaasha Wasaaradda iyo xaqiijinta in howlaha la qabto ay noqdaan kuwo wax ku ool ah oo la taaban karo.

Ugu dambeyntii, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Dr. Guuleed Cabdijaliil Cali, ayaa la dardaarmay Agaasimeyaasha waaxyaha, isagoo ku boorriyay in la xoojiyo wada shaqeynta, mas’uuliyadda guud iyo isla xisaabtanka, si loo gaaro horumar muuqda oo ka tarjumaya doorka muhiimka ah ee Wasaaradda ay ku leedahay horumarinta dhaqaalaha iyo nolosha bulshada Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday jawi wanaagsan iyo is-afgarad ku aaddan dardargelinta howlaha Wasaaradda iyo gaarsiinta adeegyo tayo leh oo bulshada loogu talagalay.