Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan laba-geesood ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Serbia, Prof. Dr. Đuro Macut, intii ay socotay Madasha 5-aad ee Diblomaasiyadda Antalya (ADF2026), oo ka qabsoontay dalka Turkiga.
Kulankan ayaa ahaa mid muhiim ah oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga soo jireenka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Serbia, kaas oo taariikh ahaan soo bilowday sanadkii 1960-kii, xilligii la aasaasay Dhaqdhaqaaqa Dalalka Dhexdhexaadka ah (Non-Aligned Movement). Labada hoggaamiye ayaa si qoto dheer uga wada hadlay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirkaas soo jireenka ah ee ku dhisan ixtiraam, wada shaqeyn iyo dano wadaag.
Ra’iisul Wasaaraha Serbia, Prof. Dr. Đuro Macut, ayaa kulanka ku muujiyay in dalkiisu uu si buuxda u taageersan yahay madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isagoo sidoo kale xusay in Serbia ay tixgelin gaar ah siiso mabda’a ah faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee dalalka kale. Arrintan ayaa loo arkaa mid xoojinaysa kalsoonida iyo iskaashiga diblomaasiyadeed ee labada dal.
Intii uu socday kulanka, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Đuro Macut ayaa si wadajir ah u isla gartay in ay jiraan fursado ballaaran oo lagu horumarin karo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, maalgashiga iyo kheyraadka dabiiciga ah sida shidaalka iyo gaaska.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la ballaariyo xiriirka ganacsi iyo midka maalgashi ee labada dal, si loo abuuro fursado horumarineed oo labada dhinacba dan u ah, halka Ra’iisul Wasaaraha Serbia uu dhankiisa muujiyay diyaar u ahaanshaha in dalkiisu uu door muuqda ka qaato taageerada iyo iskaashiga Soomaaliya.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad iyo rajo wanaagsan oo ku aaddan in labada dal ay sii xoojiyaan xiriirkooda taariikhiga ah, isla markaana ay u gudbaan heer iskaashi oo cusub oo ku saleysan dano wadaag iyo horumar waara.