Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo Kormeer Ku Tagay Wasaaradaha Koonfur Galbeed

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay qaar ka mid ah wasaaradaha muhiimka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, si uu u qiimeeyo isla markaana u dardargeliyo habsami u socodka howlaha shaqo ee hay’adahaasi.

Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo hufnaanta maamulka iyo adeeg bixinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo Hoggaamiyuhu uu si toos ah u doonayay in uu u kuurgalo xaaladda dhabta ah ee ka jirta wasaaradaha uu booqday.

Wasaaradaha uu kormeerka ku tegay Hoggaamiyaha KMG ah ayaa kala ahaa Wasaaradaha Amniga, Cadaaladda, Arrimaha Gudaha, Caafimaadka, Dastuurka iyo Gargaarka. Wasaaradahan ayaa ka mid ah hay’adaha laf-dhabarka u ah adeegyada bulshada iyo amniga guud ee deegaannada Koonfur Galbeed.

Intii uu kormeerku socday, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa kulan la qaatay masuuliyiinta wasaaradahaas, isagoo si dhow uga dhageystay warbixinno faahfaahsan oo la xiriira howlaha socda, guulaha la gaaray, caqabadaha jira iyo qorshayaasha horumarineed ee mustaqbalka.

Hoggaamiyaha ayaa ku dhiirrigeliyay masuuliyiinta in ay laba-jibbaaraan dadaallada ay ugu adeegayaan shacabka, isla markaana ay si gaar ah diiradda u saaraan tayeynta adeegyada dowladeed, hufnaanta shaqo iyo isla xisaabtanka hay’adaha dowladda.

Sidoo kale, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada shaqeyn dhow oo dhex marta dhammaan hay’adaha kala duwan ee dowladda, taas oo uu sheegay in ay saldhig u tahay horumar waara iyo adeegyo tayo leh oo ay helaan muwaadiniinta Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ugu dambeyn, kormeerkan ayaa kusoo dhammaaday jawi wanaagsan, iyadoo la isla qaatay in la sii xoojiyo wada shaqeynta iyo dardargelinta adeegyada muhiimka ah ee bulshada.