Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada, kaas oo diiradda lagu saaray arrimaha doorashooyinka iyo xaaladaha guud ee maamulka.
Kulanka ayaa ku bilowday dhaarinta Wasiirka cusub ee Wasaaradda Qorsheynta Mudane Ismaaciil Xasan Nuur iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Mudane Axmed Bariise Xeydar, kuwaas oo si rasmi ah ula wareegay xilalkooda.
Intii uu socday shirka, Golaha Wasiirrada waxay warbixino faahfaahsan ka dhageysteen wasaaradaha kala ah Arrimaha Guddaha, Amniga, Gargaarka, Beeraha, Diinta iyo Isgaarsiinta, kuwaas oo soo bandhigay xaaladihii ugu dambeeyay ee dhinacyada ay qaabilsan yihiin.
Sidoo kale, Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ayaa Golaha la wadaagtay digniin la xiriirta roobab xooggan oo la filayo inay da’aan iyo fatahaado ka dhalan kara, taas oo keeni karta saameyn ku timaadda deegaanada kala duwan ee Hirshabeelle.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah u adkeeyay muhiimadda ay leedahay diyaar garow buuxa oo ku aaddan doorashooyinka dalka, isaga oo faray Golaha Wasiirrada inay xoojiyaan abaabulka iyo wacyigelinta bulshada si loo hirgeliyo hannaan doorasho oo qof iyo cod ah.
“Doorasho waa qof iyo cod, xisbigana waa JSP,” ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo carrabka ku adkeeyay jihada siyaasadeed ee maamulka.
Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa ugu baaqay shacabka inay si firfircoon uga qeyb qaataan geeddi-socodka doorashooyinka, islamarkaana ay muujiyaan wacyi iyo ka go’naansho ku aaddan horumarka iyo dowlad-dhiska.