Shirweynihii 152-aad ee Midowga Baarlamaanada Adduunka oo ka socday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa si rasmi ah maanta loo soo gaba-gabeeyay, iyadoo uu ahaa shir muhiim ah oo ay isugu yimaadeen wufuud ka kala socotay baarlamaannada caalamka.
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shirkan ku matalayay wafdi heer sare ah oo ka kooban xildhibaano ka tirsan labada Aqal, waxaana hoggaaminayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Shirweynaha sanadkan ayaa diiradda lagu saaray arrimo waaweyn oo caalami ah sida nabadda iyo amniga adduunka, isbeddelka cimilada, horumar waara, dimuqraadiyadda, iyo xoojinta iskaashiga baarlamaannada caalamka. Qodobadan ayaa lagu falanqeeyay kulamo iyo dooddo kala duwan oo socday intii shirku socday.
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo ka hadlay shirka ayaa jeediyay khudbad uu kaga hadlay kobcinta rajada shacabka, sugidda nabadgelyada, iyo hubinta caddaaladda jiilasha mustaqbalka. Waxa uu sidoo kale xusay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta nabadda, horumarinta dowladnimada, iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.
Intii uu socday shirku, waxaa sidoo kale lagu qabtay kulamo gaar-gaar ah oo ay yeesheen wufuudda kala duwan, iyadoo la is dhaafsaday khibrado iyo aragtiyo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah ee baarlamaannada.
Ugu dambeyntii, shirweynaha ayaa lagu doortay Xoghayaha Joogtada ah ee Midowga Baarlamaanka Adduunka, waxaana xilkaas ku guuleysatay Marwo Anda Filip oo ka socota dalka Romania.