Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Yuusuf Cali Maxamed iyo Xoghayihii hore Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax.
Munaasabadda xil-wareejinta oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxaana goobjoog ka ahaa senatarro iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, agaasimayaal iyo hawlwadeennada Wasaaradda, kuwaas oo dhammaantood ka qayb qaatay dhammaystirka munaasabadda.
Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey Xoghayihii hore Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax, isagoo ku ammaanay shaqadii iyo dadaalkii uu soo qabtay muddadii uu xilka hayey. Wasiirka ayaa sheegay in Xoghayihii hore uu si hufan uga soo baxay waajibaadkiisa shaqo, isla markaana uu door muuqda ka qaatay horumarinta howlaha Wasaaradda.
Dhanka kale, Wasiirka ayaa Xoghayaha cusub Mudane Yuusuf Cali Maxamed ku dhiirrigeliyey inuu sii xoojiyo shaqada Wasaaradda Gaashaandhigga, gaar ahaan kor u qaadista hufnaanta maamulka, adkeynta wada-shaqeynta gudaha, iyo dardargelinta howlaha muhiimka ah ee lagu horumarinayo difaaca dalka.
Wasiirku wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii wado qorshayaasha lagu xoojinayo awoodda ciidamada iyo tayeynta nidaamka shaqo ee Wasaaradda, si loo gaaro yoolalka istaraatiijiga ah ee difaaca qaranka.
Ugu dambeyntii, munaasabadda ayaa kusoo dhammaatay jawi is faham iyo is-oggolaansho leh, iyadoo la rajeeyay in isbeddelka cusub uu horseedi doono shaqo hufan iyo horumar ballaaran oo ka dhex dhaca Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya.