GMXIQ oo kaashanaya Qaramada Midoobay oo Muqdisho ka furay aqoon-isweydaarsi lagu xoojinayo xuquuqul insaanka

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ) ayaa maanta si rasmi ah u billaabay aqoon-isweydaarsi soconaya muddo toddobaad ah, kaas oo lagu xoojinayo awoodda Guddiga ee ilaalinta, kor u qaadista, iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee dalka Soomaaliya.

Aqoon-isweydaarsigan oo ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa waxaa isugu yimid xubnaha Guddiga iyo khubaro heer caalami iyo heer gobol ah oo ka kala socota Qaramada Midoobay iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha. Kulankan ayaa ujeedkiisu yahay in la xoojiyo awoodda hay’adda, loona diyaariyo sidii ay si hufan u gudan lahayd waajibaadkeeda qaran ee ku aaddan ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.

Guddoomiyaha Guddiga, Dr. Maryam Qasim, ayaa ku tilmaantay aqoon-isweydaarsigan mid muhiim ah oo aasaasi u ah dhismaha hay’ad madax-bannaan oo hufan. Waxay sheegtay in Guddigu uu door weyn ka qaadan doono horumarinta caddaaladda, xoojinta isla xisaabtanka, iyo dhisidda kalsoonida shacabka ee hay’adaha dowliga ah.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxay uga mahadcelisay Qaramada Midoobay, gaar ahaan HRPG, taageerada farsamo iyo wada-shaqeynta joogtada ah ee ay la leeyihiin Guddiga, taas oo ay sheegtay inay muhiim u tahay horumarinta shaqada hay’adda.

Inta uu socdo tababarku, waxaa diiradda lagu saarayaa sharciyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, xeerarka bini’aadantinimada, iyo hababka kormeerka iyo baarista xadgudubyada. Waxaa sidoo kale si gaar ah loo falanqeynayaa arrimo xasaasi ah sida tacaddiyada ka dhasha colaadaha, carruurta ku lugta leh dagaallada, iyo kormeerka xaaladaha goobaha lagu hayo dadka xiran.

Ugu dambeyntii, aqoon-isweydaarsigan ayaa lagu tilmaamay mid kor u qaadaya xirfadda iyo aqoonta xubnaha Guddiga, isla markaana gacan ka geysanaya in la helo hay’ad xuquuqul insaan oo si dhab ah u ilaalisa xuquuqda aadanaha ee dalka Soomaaliya.