Wasiirka Cadaaladda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo shir-guddoomiyay kulan lagu dardargelinayo dib-u-eegista Dastuurka iyo howlaha Wasaaradda

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee hoggaanka sare ee Wasaaradda, kaas oo si gaar ah diiradda loogu saaray dib-u-eegista horumarka howlaha Wasaaradda, gaar ahaan mashaariicda muhiimka ah ee mudnaanta u leh qorshaha dowladeed.

Kulankan ayaa ahaa mid joogto ah oo lagu qiimeeyo halka ay marayaan howlaha Wasaaradda, waxaana si faahfaahsan uga warbixiyey Xoghayaha Joogtada ah iyo Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradda. Waxay soo bandhigeen warbixinno dhammaystiran oo la xiriira fulinta qorshayaasha shaqo, hirgelinta mashaariicda kala duwan, iyo heerka ay marayaan barnaamijyada lagu horumarinayo nidaamka cadaaladda.

Sidoo kale, kulanka ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay arrimaha la xiriira howlaha ka dambeeya dhammaystirka dib-u-eegista Dastuurka dalka, iyo sidoo kale shuruucda cusub ee diyaarinta ku jira. Waxaa la isla gartay in shuruucdan ay u baahan yihiin taageero siyaasadeed oo xooggan si loogu gudbiyo Golaha Wasiirrada iyo ugu dambeyn Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si loo ansixiyo.

Intii uu socday kulanka, hoggaanka Wasaaradda ayaa sidoo kale ka dooday xaaladda maamulka iyo hawlgalka Wasaaradda, horumarka guud ee la gaaray, iyo caqabadaha jira ee u baahan in si degdeg ah wax looga qabto. Waxaa la isla qaatay qorshayaal wax ku ool ah oo lagu dardargelinayo adeegyada cadaaladda, laguna hagaajinayo tayada shaqada Wasaaradda.

Ugu dambeyntii, kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay go’aanno muhiim ah oo lagu xoojinayo hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo horumarinta nidaamka caddaaladda dalka Soomaaliya, iyadoo la adkeynayo in Wasaaraddu ay sii waddo dadaallada lagu horumarinayo adeegyada ay bulshada u hayso.