Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga oo FAO kala hadlay horumarinta kalluumeysiga

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay Mudane Étienne Peterschmitt, Wakiilka Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), iyo wafdi uu hoggaaminayay, si ay uga wada hadlaan xaaladda guud ee kalluumeysiga dalka iyo dadaallada horumarineed ee socda.
Intii uu kulanku socday, Wasiirka ayaa FAO la wadaagay howlaha baaxadda leh ee ka socda wasaaradda, oo ay ka mid yihiin horumarinta kaabeyaasha iyo dhismayaasha wasaaradda, iyo sidoo kale dadaallada lagu xoojinayo kobaca iyo tayeynta sektarka kalluumeysiga dalka.
Dhanka kale, FAO ayaa soo bandhigtay warbixin ku saabsan mashaariicda ay si wadajir ah ula fuliso wasaaradda, oo ay ka mid yihiin mashruuca dib-u-habeynta Suuqa Kalluumeysiga Liido iyo mashruuca nidaamka xog-ururinta kalluumeysiga (Fisheries Information Management System – FIMS), kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya casriyeynta iyo hagaajinta maamulka sektarka.
Sidoo kale, FAO ayaa ka warbixisay mashaariic kale oo la qorsheynayo in maalgelin loo helo, gaar ahaan mashruuca “Blue Transformation Project,” oo horey u wajahay caqabado dhanka maalgelinta ah, balse hadda la dardar-gelinayo dadaallada lagu hirgelinayo.
Waxaa intaas dheer, wasaaraddu waxay xoogga saareysaa qorshayaal lagu horumarinayo nafaqada carruurta iskuullada, iyadoo la diyaarinayo barnaamijyo kalluun loogu darayo cuntooyinka iskuullada, si loo kordhiyo isticmaalka kalluunka loona xoojiyo caafimaadka iyo kobaca ardayda. Howlahaas ayaa la filayaa in dhawaan la bilaabo.
Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda weyn ee Dhaqaalaha Buluugga ah, iyagoo isku raacay in la xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo, maadaama uu yahay sektor leh fursado ballaaran isla markaana weli ka caqabado yar yahay dhinacyada kale ee wax soo saarka dalka.
Ugu dambeyn, kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku aaddan xoojinta iskaashiga iyo dardargelinta mashaariicda mudnaanta leh ee lagu horumarinayo kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ee Soomaaliya.