Axmed Cabdi Kaariye oo soo xiray Shirweynaha 1-aad ee Maalgelinta Caafimaadka Galmudug

Madaxweynaha Galmudug, ayaa soo xiray Shirweynaha 1-aad ee Maalgelinta Caafimaadka Galmudug, kaas oo muddo laba maalin ah ka socday caasimadda Dhuusamareeb.

Shirweynahan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa maalgelinta adeegyada caafimaadka, kor loogu qaadi lahaa tayada adeeg bixinta, isla markaana loo heli lahaa iskaashi ballaaran oo lagu taageero nidaamka caafimaadka ee deegaanka.

Waxaa shirka ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo ka socday heerarka dowladda, oo ay ku jiraan Wasaaradaha Caafimaadka ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed, xubno ka tirsan golaha wasiirrada, xildhibaanno, bahda waxbarashada, hay’ado caalami ah iyo marti sharaf kale oo muhiim ah.

Intii uu shirka socday waxaa la soo bandhigay warbixinno iyo daraasado la xiriira xaaladda guud ee caafimaadka Galmudug, baahiyaha jira, iyo fursadaha maalgelin ee lagu horumarin karo adeegyada caafimaadka, gaar ahaan kuwa hooyada iyo dhallaanka, ka hortagga cudurrada, iyo tayeynta xarumaha caafimaadka.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay dhammaan ka qeybgalayaasha iyo qabanqaabiyeyaasha shirweynaha, isagoo xusay in caafimaadku uu yahay tiir muhiim ah oo horumar kasta lagu gaaro. Wuxuu sidoo kale ku booriyay hay’adaha kala duwan in ay sii xoojiyaan iskaashiga iyo taageerada ay siinayaan Galmudug si loo horumariyo adeegyada bulshada.

Ugu dambeyn, shirweynaha ayaa lagu soo gabagabeeyay is-afgarad ku saabsan in la sii wado dadaallada lagu horumarinayo maalgelinta caafimaadka, loona beddelo qorshayaashii la soo bandhigay ficil dhab ah oo wax ka taraya nolosha shacabka.