Dowladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celisay 174 dhalinyaro tahriibayaal ah oo laga soo badbaadiyay Liibiya

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kaashaneysa Hay’adda International Organization for Migration iyo Midowga Yurub, ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay 174 dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriibayaal ahaa, kuwaas oo laga soo saaray xabsiyo ku yaalla dalka Liibiya. Dhalinyaradan ayaa ka mid ahaa muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa xaalado adag oo bini’aadantinimo oo halis ah, kadib markii ay isku dayeen safarro tahriib ah oo ay ku gaareen waddamo kale.

Mas’uuliyiin sare oo uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali, ayaa Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho si diirran ugu soo dhaweeyay dhalinyaradan dib loo soo celiyay. Soo dhoweyntan ayaa ahayd mid muujinaysa sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta muwaadiniinteeda iyo badbaadinta nolosha dhalinyarada ku jirta khatarta tahriibka.

Dhalinyaradan la soo celiyay ayaa soo maray xaalado aad u adag intii ay ku sugnaayeen Liibiya, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen xabsi aan sharci ahayn, jirdil, shaqo adag oo aan mushahar lahayn, iyo nolol aad u liidata oo aan u qalmin bini’aadamka. Qaar badan oo ka mid ah ayaa la sheegay inay muddo dheer ku jireen xabsi, halka qaar kalena ay la kulmeen xaalado nafsaani iyo jireed oo aad u dhaawacmay.

Markii ay yimaadeen magaalada Muqdisho, waxaa si degdeg ah loogu fidiyay gargaar bani’aadantinimo oo ay iska kaashadeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah. Gargaarkan ayaa isugu jiray daryeel caafimaad oo degdeg ah, hoy ku-meel-gaar ah, cunto, iyo taageero nafsiyeed oo lagu caawinayo inay ka soo kabtaan dhibaatadii ay soo mareen. Sidoo kale, waxaa loo diyaarinayaa barnaamijyo dib-u-dhexgal bulsho ah oo ay ku heli doonaan fursado waxbarasho, tababar xirfadeed, iyo taageero dhaqaale si ay dib ugu bilaabaan noloshooda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa sheegtay in dadaalladan ay qayb ka yihiin qorshaha qaran ee lagula tacaalayo tahriibka sharci darrada ah, isla markaana lagu wacyigelinayo dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan safarrada halista ah ee tahriibka, kuwaas oo inta badan sababa khasaare naf iyo maalba leh.

Ugu dambeyntii, dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku celisay baaqeeda ku aaddan ilaalinta muwaadiniinta, gaar ahaan dhalinyarada, iyadoo adkaysay in la sii xoojin doono iskaashiga caalamiga ah si loo badbaadiyo dadka Soomaaliyeed ee ku sugan xaaladaha adag ee dibadda.