Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Daahfurtay Mashruuc Horumarineed oo Ka Faa’iideynaya Barakacayaasha Doolow

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Mashruuca xoojinta adkeysiga magaalooyinka iyo is dhexgalka bulshooyinka barakacayaasha ah iyo kuwa martigeliya ee magaalada Doolow, mashruucan oo muhiimad weyn u leh horumarinta nolosha bulshada nugul ee ku nool deegaankaas.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in mashruucan uu si gaar ah diiradda u saarayo hagaajinta xaaladda nololeed ee dadka barakacayaasha ah iyo xoojinta is-dhexgalka bulshada martigelisa iyo kuwa barakacayaasha ah, si loo dhiso bulsho wadajir ah oo nabad iyo horumar ku saleysan. Waxa uu sidoo kale xusay in mashruucani uu door weyn ka qaadan doono xoojinta nabadda, amniga, iyo kobaca dhaqaalaha dalka, maadaama isdhexgalka bulshada uu yahay saldhig muhiim u ah xasilloonida.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ee ku nool Doolow ay soo mareen xaalado adag oo ay sababeen burburkii dalka iyo abaarihii is xigay ee saameeyay gobollo badan oo Soomaaliya ka mid ah. Wuxuu ku tilmaamay inay yihiin dad dulqaad badan oo ku adkaystay duruufo adag, isla markaana maanta ay mudan yihiin in la siiyo fursado ay ku helaan nolol wanaagsan oo ka wanaagsan tii hore.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu adkeeyay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in ay hirgeliso mashaariic wax-ku-ool ah oo si toos ah u taabanaya nolosha dadka danyarta ah, gaar ahaan kuwa ay saameeyeen barakaca, abaaraha iyo isbeddelka cimilada. Wuxuu sheegay in dowladda ay xoogga saari doonto xalal waara oo aan ku ekaan gargaar degdeg ah oo keliya, balse abuuraya fursado nololeed oo joogto ah.

Mashruucan cusub ayaa sidoo kale xoogga saaraya u adkaysiga isbeddelka cimilada iyo la-qabsiga saameyntiisa, iyadoo la fulinayo barnaamijyo dib-u-dejin ah, shaqo-abuur, iyo xirfad-barid lagu kobcinayo awoodda bulshada deegaanka. Waxaa la qorsheeyay in dadka laga caawiyo sidii ay u heli lahaayeen xirfado shaqo oo waara, taas oo kor u qaadi doonta awooddooda dhaqaale.

Sidoo kale, mashruucu wuxuu taageerayaa horumarinta beeraha, xoolaha, iyo dhiirrigelinta ganacsiyada yaryar, si loo kobciyo dhaqaalaha deegaanka iyo kan guud ee dalka. Waxaa la filayaa in tani ay gacan ka geysan doonto yareynta saboolnimada iyo abuurista fursado shaqo oo cusub, gaar ahaan dhalinyarada iyo haweenka.

Ugu dambeyntii, mashruucan ayaa loo arkaa mid ka mid ah tallaabooyinka muhiimka ah ee Xukuumadda DanQaran ay ku doonayso in ay ku xoojiso adkeysiga bulshada Soomaaliyeed, isla markaana lagu gaaro horumar waara oo ku saleysan wadajir, is-dhexgal bulsho iyo koboc dhaqaale oo loo siman yahay.