Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud oo ay wehliyaan Taliyaha Taliska Tababarka XDS S/Guuto Axmed Ciise Axmed iyo Saraakiil Ka tirsan Ciidanka XDS ayaa Booqday Degmada Xudur ee Gobolka Bakool
Wafdiga Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxaa garoonka diyaaraha.Magaalada Xudur kusoo dhaweeyay Saraakiisha Guutada 9 aad maamulka Degmada Xudur Shacabka Degmada iyo Saraakiisha Atmis
Gen Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa dhiiragalin ugu tagay Cutubyo Cusub oo tababar ugu socday Dugsiga tababarka Ciidanka Xoogga dalka ee Degmada Xudur
Taliyaha taliska Tababarada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Axmed Ciise Axmed ayaa la dar daaran u jeediyey geesiyaasha Cusub ee tababar ku jira.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa Sheegay in Cutubyadaan Cusub dhawaan loo soo xiri doono tababar isla markaana ay ka mid noqon doonaa dagaalka lagu ciribtirayo nabadiidka
Gen Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa Ciidanka Cusub waxaa uu faray in looga baahan yahay in ay isku furaan Gobalka Bakool
Home Wararka Maanta Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Booqday Degmada Xudur ee Gobolka Bakool