Koonfur Galbeed oo Daah-furtay Qorshe Cusub oo Horumar iyo Nabad Lagu Xoojinayo

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa si rasmi ah u daah-furay Qorshaha Isbeddelka Koonfur Galbeed iyo Siyaasadda Xalka Waara, munaasabad ballaaran oo ka dhacday magaalada Baydhabo. Munaasabaddan ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo isugu jiray wasiirro, xildhibaano, wakiillo ka socday bulshada rayidka ah, iyo bahwadaagta caalamiga ah ee taageera horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Qorshahan cusub ayaa ah mid si qoto dheer loo diyaariyey, waxaana diiradda lagu saarayaa xoojinta dowlad-dhiska, horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada, kobcinta dhaqaalaha, iyo hirgelinta nabad waarta oo sal adag leh. Sidoo kale, qorshuhu waxa uu si cad u qeexayaa istiraatiijiyado wax ku ool ah oo lagu wajahayo caqabadaha jira, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee ka jira deegaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Intii uu khudbadda jeedinayay, Hoggaamiye Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada shaqeyn buuxda oo dhexmarta dowladda, shacabka iyo dhammaan daneeyayaasha, si loo xaqiijiyo hirgelinta qorshahan. Wuxuu xusay in qorshahan uu yahay mid horseedi kara isbeddel dhab ah oo lagu gaaro horumar muuqda iyo xasillooni waarta.

Ugu dambeyn, Hoggaamiyaha ayaa ugu baaqay dhammaan bulshada Koonfur Galbeed iyo saaxiibbada caalamiga ah in ay door firfircoon ka qaataan fulinta qorshahan, si loo xaqiijiyo mustaqbal leh nabad, horumar iyo barwaaqo, isla markaana looga gudbo caqabadaha hortaagan horumarka guud ee gobolka.