Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa sagootiyay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo loo diray furimaha hore ee dagaalka, si ay uga qeyb qaataan howl-gallada lagu ciribtirayo maleeshiyaadka argagixisada ee ku dhuumaaleysanaya qaybo ka mid ah dalka.
Munaasabadda sagootinta oo ka dhacday xarunta Taliska Ciidanka Dhulka ayaa Taliyuhu wuxuu ciidamada kula dardaarmay in ay muujiyaan feejignaan sare, geesinimo iyo wadajir, isla markaana ay si buuxda u gutaan waajibaadka qaran ee loo igmaday. Wuxuu sheegay in howlgaladani ay yihiin kuwo muhiim u ah sugidda amniga dalka iyo badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.
Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa xusay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay mar walba diyaar u yihiin difaaca dalka, isla markaana ay ka go’an tahay in la ciribtiro kooxaha argagixisada ah ee khalkhalka amni gelinaya. Wuxuu ku booriyay ciidamada in ay ilaaliyaan anshaxa milatari, isla markaana ay la shaqeeyaan bulshada deegaanka si loo helo xog iyo iskaashi wax ku ool ah.
Sidoo kale, Taliyuhu wuxuu tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay ciidamada, iyadoo la siinayo taageero dhanka saadka, qalabka iyo tababarka si loo xoojiyo awoodda difaaca dalka. Wuxuu carabka ku adkeeyay in guusha howlgaladan ay ku xirnaan doonto midnimada, qorsheynta saxda ah iyo fulinta amarada sare ee ciidamada.
Ugu dambeyn, Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa u rajeeyay ciidamada u ambabaxay furimaha dagaalka guul iyo soo laabasho wanaagsan, isagoo ku ammaanay doorka ay ku leeyihiin ilaalinta amniga iyo xasilloonida dalka. Wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ku faani doonaan dadaalka iyo naf-hurnimada ay muujiyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.