Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shir Guddoomiyay Guddiga Fulinta JSP

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), ayaa shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo ay yeesheen Guddiga Fulinta ee ururka. Kulankan ayaa ahaa mid si qoto dheer diiradda loogu saaray arrimaha la xiriira dardargelinta iyo hirgelinta doorashooyinka isku sidkan ee Golayaasha Deegaanka iyo Golayaasha Wakiillada ee dowlad goboleedyada dalka.

Intii uu socday kulanka, Madaxweynaha ayaa si faahfaahsan uga hadlay muhiimadda ay leedahay in dalka laga hirgeliyo nidaam doorasho oo ku dhisan “qof iyo cod,” kaas oo shacabka Soomaaliyeed siinaya fursad ay si toos ah ugu doortaan hoggaankooda heerarka kala duwan ee dowladeed. Wuxuu tilmaamay in nidaamkan uu yahay tiir muhiim u ah xoojinta dimuqraadiyadda, isla markaana uu kor u qaadayo kalsoonida shacabka ee hay’adaha dowladda.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale bogaadiyay dadaallada muuqda ee Guddiga Fulinta, isagoo ku ammaanay shaqada ay ka hayaan abaabulka, qorsheynta, iyo hirgelinta himilooyinka ururka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in kaalintooda ay tahay mid laf-dhabar u ah guusha ururka, gaar ahaan xilligan kala guurka siyaasadeed ee dalka.

Dhanka kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyay caqabadaha jira ee hortaagan qabsoomidda doorashooyinka, sida arrimaha amniga, diyaarinta sharciyada, iyo wacyigelinta bulshada. Madaxweynaha iyo xubnaha guddiga ayaa isla gartay in loo baahan yahay in si wadajir ah looga shaqeeyo xal u helidda caqabadahaas, iyadoo la xoojinayo iskaashiga u dhexeeya heerarka kala duwan ee dowladda iyo bulshada rayidka ah.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa ku boorriyay Guddiga Fulinta inay sii laba jibbaaraan dadaalladooda, ayna ka shaqeeyaan sidii loo xaqiijin lahaa doorashooyin hufan, xor iyo xalaal ah oo ka dhaca dalka. Wuxuu muujiyay in ururku uu ka go’an yahay inuu door muuqda ka qaato horumarinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya, isla markaana uu taageero