Taliyaha Xoogga Dalka oo Kormeer Taariikhi ah ku Tegay Waajid

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa booqasho shaqo ku tegay fariisimaha ciidanka ee ku yaalla magaalada Waajid ee gobolka Bakool. Safarkan ayaa ahaa mid muhiim ah oo lagu xoojinayo howlgalada amni ee ka socda deegaannadaas.

Wafdiga Taliyaha ayaa waxaa degmada Waajid si diirran ugu soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), kuwaas oo halkaas ka wada howlgalada lagu sugayo amniga. Intii uu joogay, Taliyaha ayaa kormeer ku sameeyay fariisimaha ciidanka, isagoo si toos ah ula kulmay askarta ku sugan furimaha hore.

Ujeedka safarka ayaa ahaa dardargelinta howlgalada ka dhanka ah maleeshiyaadka nabad-diidka ah, iyo dhiirrigelinta ciidamada geesiyaasha ah ee naftooda u huraya difaaca dalka. Saraakiisha ku sugan Waajid ayaa Taliyaha siiyay warbixin dhammaystiran oo ku saabsan xaaladda amni, guulaha laga gaaray dagaalka, iyo caqabadaha weli jira.

Markii uu la hadlay ciidamada, Taliyaha ayaa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo howlgalada lagu ciribtirayo maleeshiyaadka nabad-diidka ah, isagoo ku boorriyay inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda, isla markaana ay ilaaliyaan wada-shaqeynta iyo feejignaanta.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kulan gaar ah la yeeshay odayaasha dhaqanka ee degmada Waajid, isagoo kala hadlay doorka ay bulshada iyo hoggaanka dhaqanku ku leeyihiin sugidda amniga iyo taageerada ciidamada.

Ugu dambeyn, safarkan ayaa noqday mid taariikhi ah, maadaama Ibraahim Maxamed Maxamuud uu noqday taliyihii ugu horreeyay ee si rasmi ah kormeer shaqo ugu taga magaalada Waajid ee gobolka Bakool, taasoo muujinaysa ahmiyadda sii kordheysa ee la siinayo gobolka iyo dadaallada lagu xasilinayo.