Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Mogadishu, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Xuquuqul Insaanka, Maryan Qaasim, iyo xubno ka tirsan Guddiga oo booqasho gogol-xaar u ah wada-shaqeyn ku soo gaaray Aqalka Dowladda Hoose.
Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa xubnaha Guddiga ugu hambaliyeeyay magacaabistooda iyo ansixintooda, isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo miro-dhal u ah dadaallo muddo dheer soo socday oo lagu hirgelinayay Guddigan qaran ee aadka loogu baahnaa. Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Maamulka Gobolka Banaadir uu diyaar u yahay inuu si dhow oo joogto ah ula shaqeeyo Guddiga, si loo xoojiyo ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha.
Dhankeeda, Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Drs. Maryan Qaasim ayaa uga mahadcelisay Duqa Magaalada soo dhoweynta diirran iyo kal-furnaanta ay kala kulmeen. Waxay sheegtay in booqashadoodu ay tahay bilow rasmi ah oo ay ku doonayaan inay ku dhisaan wada-shaqeyn ballaaran oo ay la yeeshaan hay’adaha dowladda, iyadoo xustay in Maamulka Gobolka Banaadir uu yahay meel muhiim ah oo laga bilaabo hawlgelinta guddiga, maadaama caasimaddu tahay xarunta ugu weyn ee howlaha dowladda.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye-ku-xigeenka Guddiga Xuquuqul Insaanka Maxamed Haaruun, xubno kale oo guddiga ka tirsan sida Farxaan Maxamed Jimcaale iyo Cali Cilmi, Agaasimaha Guud ee Guddiga Mustafa Maxamuud, iyo Agaasimaha Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullahi Dhaaley.
Kulankan ayaa la filayaa inuu horseedo iskaashi wax ku ool ah oo u dhexeeya Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddiga Xuquuqul Insaanka, si loo xaqiijiyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, korna loogu qaado wacyigelinta bulshada ee ku aaddan xuquuqda aasaasiga ah.