Madaxweyne Deni oo Booqasho Sharaf ugu Tegay Suldaanka Badhan

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku gaaray degmada Badhan ee Gobolka Sanaag, ayaa booqasho sharaf iyo wada-tashi ah ugu tegay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam Suldaan Maxamuud Cali Shire, oo ka mid ah hoggaanka dhaqanka ee deegaanka.

Booqashadan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim ah oo qayb ka ah dadaallada Madaxweynaha Puntland uu ugu kuurgalayo xaaladda guud ee amniga, horumarka bulshada, iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya dowlad-dhaqameedka iyo hay’adaha dowladda. Madaxweynaha ayaa si gaar ah u muujiyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga madax-dhaqameedka iyo dowladdu, maadaama ay laf-dhabar u yihiin nabadda iyo xasilloonida bulshada.

Suldaanka ayaa dhankiisa Madaxweynaha iyo wafdigiisa ku soo dhaweeyay degmada Badhan, isaga oo ka warbixiyay xaaladda deegaanka, baahiyaha jira iyo doorka ay madax-dhaqameedku ka qaataan xoojinta wada-noolaanshaha bulshada. Wuxuu sidoo kale bogaadiyay dadaallada Dowladda Puntland ee ku aaddan horumarinta adeegyada iyo amniga gobolka Sanaag.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Puntland Mudane Maxamed Baari Shire, xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, iyo Saraakiisha Ciidamada kala duwan ee Puntland, kuwaas oo Madaxweynaha ku wehliyay safarka shaqo.

Intii uu socday booqashadu, Madaxweynaha ayaa sidoo kale la filayaa inuu kulammo kala duwan la yeesho qaybaha bulshada, saraakiisha amniga iyo maamulka degmada, si loo qiimeeyo xaaladda guud ee deegaanka loona dardargeliyo adeegyada dowladnimada.

Safarkan ayaa lagu tilmaamay mid sii xoojinaya xiriirka ka dhexeeya hoggaanka Dowladda Puntland iyo bulshada Gobolka Sanaag, isla markaana kor u qaadaya wada-shaqeynta dhammaan dhinacyada muhiimka u ah nabadda, horumarka iyo xasilloonida gobolka.