Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dhagax dhigay dhismaha xarunta cusub ee Bangiga Dowladda ee degmada Badhan ee Gobolka Sanaag, taas oo ka mid ah mashaariicda horumarineed ee lagu xoojinayo adeegyada maaliyadeed iyo kobcinta dhaqaalaha deegaanada Puntland.
Xaruntan cusub ee Bangiga Dowladda ayaa la filayaa inay door muhiim ah ka qaadato fududeynta adeegyada bangiyada, gaar ahaan bixinta iyo kaydinta lacagaha, taageeridda ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe, iyo sidoo kale kor u qaadista nidaamka maaliyadeed ee casriga ah ee dowladda Puntland.
Madaxweynaha ayaa munaasabadda dhagax-dhigga ka sheegay in dhismahan uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu ballaarinayo adeegyada Bangiga Dowladda Puntland, isla markaana lagu gaarsiinayo adeegyada maaliyadeed meelaha fogfog si shacabka loo gaarsiiyo adeeg hufan oo casri ah.
Munaasabadda waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Puntland Mudane Maxamed Baari Shire, xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Guddoomiyaha Bangiga Dowladda Puntland iyo ku-xigeenkiisa, saraakiil ciidan, maamulka Gobolka Sanaag iyo kan degmada Badhan, kuwaas oo dhammaantood goob joog ka ahaa dhagax-dhigga.
Guddoomiyaha Bangiga Dowladda Puntland ayaa sheegay in xaruntan cusub ay ka mid tahay qorshe ballaaran oo lagu horumarinayo adeegyada bangiga, isla markaana lagu xoojinayo kalsoonida shacabka ee nidaamka maaliyadeed ee dowladda.
Sidoo kale, mas’uuliyiinta gobolka iyo degmada Badhan ayaa soo dhaweeyay dhismaha xaruntan, iyagoo tilmaamay in ay wax badan ka tari doonto horumarinta ganacsiga deegaanka, abuurista fursado shaqo, iyo kor u qaadista dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha.
Ugu dambeyn, dhagax-dhiggan ayaa lagu tilmaamay mid ka tarjumaya dadaalka Dowladda Puntland ee ku aaddan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo fidinta adeegyada dowliga ah, si loo gaaro horumar waara oo ay ka faa’iideystaan bulshada gobolka Sanaag iyo guud ahaan Puntland.