GMXIQ oo Ka Guddoomay NUSOJ Warbixin Ku Saabsan Xaaladda Warbaahinta Soomaaliya

Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ) ayaa maanta xaruntiisa ku yaalla Mogadishu ka guddoomay Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) warbixinta sanadlaha ah ee “Xaaladda Warbaahinta”, taas oo si qoto dheer u faahfaahinaysa xaaladda xorriyadda saxaafadda ee dalka, xadgudubyada la diiwaangeliyey, iyo caqabadaha joogtada ah ee ay la kulmaan saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Warbixintan ayaa si gaar ah u muujisay xaalado kala duwan oo ay ka mid yihiin cadaadis la xiriira shaqada warbaahinta, hanjabaado loo geysto wariyeyaasha, xannibaado dhinaca helitaanka xogta ah, iyo weliba dhibaatooyinka amni ee saameeya shaqada saxafiyiinta ee gobollada dalka. NUSOJ ayaa sheegtay in warbixintani ay ka tarjumayso xog ururin sanadle ah oo lagu sameeyay warbaahinta gudaha, iyadoo la tixgeliyey dhacdooyin kala duwan oo dhacay sanadkii lasoo dhaafay.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Drs. Maryan Qaasim, ayaa xafladda guddoominta warbixinta ka sheegtay in xorriyadda hadalku tahay xuquuq aasaasi ah oo ka mid ah xuquuqaha aadanaha, isla markaana ay tahay tiir muhiim u ah dowlad wanaagga iyo isla xisaabtanka.

Waxay hoosta ka xariiqday in Guddigu si taxaddar leh u eegi doono natiijooyinka ku jira warbixinta, si waafaqsan waajibaadkiisa dastuuriga ah ee ku aaddan ilaalinta xuquuqda aadanaha, kor u qaadidda xorriyadda hadalka, iyo la socodka xaaladaha saxaafadda ee dalka. Drs. Maryan Qaasim waxay sidoo kale sheegtay in ay muhiim tahay in la helo jawi ammaan ah oo ay saxafiyiintu ku gutaan shaqadooda, si loo xaqiijiyo warbaahin xor ah oo mas’uul ah.

Dhanka kale, mas’uuliyiinta NUSOJ ayaa sheegay in warbixintan ay tahay mid muhiim ah oo lagu cabbirayo xaaladda dhabta ah ee warbaahinta Soomaaliyeed, isla markaana lagu aqoonsanayo meelaha u baahan horumar iyo dib-u-habeyn. Waxay sidoo kale ku baaqeen in la xoojiyo ilaalinta saxafiyiinta, lana sameeyo sharciyo iyo habraacyo lagu taageerayo xorriyadda saxaafadda.

Kulankan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim ah oo xoojinaya wada shaqeynta u dhaxeysa hay’adaha xuquuqul insaanka iyo ururrada warbaahinta, si loo gaaro horumar la taaban karo oo ku saabsan ilaalinta xorriyadda hadalka iyo badbaadada saxafiyiinta Soomaaliyeed.