Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay qaar ka mid ah xubnaha fulinta ee Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP).
Wafdiga uu hoggaaminayay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaalle (Madaalle), ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha xisbiga iyo qorshaha xarigga looga jarayo xarunta cusub ee JSP ee caasimadda Dowladda Hirshabeelle.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale ka wada hadlay muhiimadda midnimada iyo iskaashiga xubnaha xisbiga, iyadoo la xoojinayo yoolalka siyaasadeed ee JSP.
Gunaanad, Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ku boorriyay xubnaha xisbiga in ay xoogga saaraan howlaha muhiimka ah ee horumarka iyo dhismaha hay’adaha siyaasadeed ee dalka.