Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Kenya u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Kenya u qaabilsan Soomaaliya, Cyprian Kubai Iringo, kulan muhiim ah oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Kulankan ayaa si qoto dheer diiradda loogu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga, iyo horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed. Labada dhinac ayaa isla gartay in xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uu yahay mid istiraatiiji ah oo muhiim u ah xasilloonida iyo horumarka gobolka Geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa danjiraha la wadaagay guulaha muuqda ee laga gaaray dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta, isagoo tilmaamay in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, oo garabsanaya shacabka, ay horumar ballaaran ka sameeyeen sugidda amniga guud ee dalka. Wuxuu sidoo kale xusay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay sii xoojinta amniga gudaha iyo la dagaallanka khataraha argagixisada si loo xaqiijiyo nabad waarta.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhow oo dhexmara Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan dhinacyada la xiriira amniga xuduudaha, la dagaallanka dambiyada abaabulan, iyo ilaalinta danaha wadajirka ah ee labada shacab. Wuxuu tilmaamay in wada-shaqeyn dhab ah ay keeni karto fursado cusub oo dhinaca ganacsiga iyo maalgashiga ah.

Dhankiisa, Danjire Cyprian Kubai Iringo ayaa uga mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha qaabilaadda diirran iyo wada-hadallada miro-dhalka ah, isagoo carrabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay Dowladda Kenya xoojinta xiriirka iyo iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya. Wuxuu sheegay in Kenya ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Danjiraha ayaa sidoo kale tilmaamay in iskaashiga labada dal uu door muhiim ah ka qaadan karo la dagaallanka argagixisada, xoojinta ganacsiga xuduudaha, iyo kobcinta xiriirka bulshada ee labada shacab.

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Safiir Ku-xigeenka Dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya, Ilyaas Barre Shiil, kaas oo qeyb ka ahaa dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Ugu dambeyntii, kulankan ayaa lagu soo gabagabeeyay is-afgarad guud oo ku saabsan sii ambaqaadidda wada-hadallada iyo iskaashiga joogtada ah, si loo gaaro himilooyinka wadajirka ah ee nabadda, amniga, iyo horumarka waara ee Soomaaliya iyo Kenya.