Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo tababar u soo xiray ciidamo booliis cusub oo lagu tababaray Carmo

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa safar shaqo ku tegay degmada Carmo ee Gobolka Bari, halkaas oo uu maanta si rasmi ah uga qeyb galay munaasabad loo qabtay xiritaanka tababar loo sameeyay cutubyo ka tirsan Ciidanka cusub ee Booliiska Dowladda Puntland.

Munaasabadda ayaa lagu qabtay Kulliyadda Tababarada Booliiska ee Carmo, taas oo lagu soo tababaray ciidamo cusub oo la doonayo in ay xoojiyaan amniga guud ee Puntland, isla markaana ka mid noqdaan dadaallada lagu horumarinayo tayada iyo awoodda hay’adaha ammaanka ee dowlad goboleedka.

Madaxweynaha Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ciidanka cusub ku bogaadiyay dadaalka iyo dulqaadka ay muujiyeen muddadii ay tababarka ku jireen, isagoo xusay in booliiska cusub ay kaalin muhiim ah ka qaadan doonaan sugidda amniga, ilaalinta sharciga, iyo la dagaallanka dambiyada kala duwan ee ka dhaca deegaanada Puntland.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay in Dowladda Puntland ay si joogto ah u maalgelinayso tayeynta iyo tababarka ciidamada ammaanka, si loo helo ciidan xirfad leh oo awood u leh ilaalinta nabadda iyo xasilloonida bulshada. Madaxweynaha ayaa ku dhiirrigeliyay ciidanka in ay ilaaliyaan anshaxa, sharciga, iyo mas’uuliyadda shaqadooda, isla markaana ay si dhow ula shaqeeyaan bulshada.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo xarumaha tababarka ciidamada, si loo joogteeyo soo saarista jiilal cusub oo booliis ah oo aqoon iyo xirfad u leh ka shaqeynta amniga dalka.

Ugu dambeyntii, munaasabadda ayaa lagu soo gabagabeeyay bandhig ciidan iyo salaan sharaf ay sameeyeen cutubyada cusub ee booliiska, taas oo muujisay heerka ay gaarsiisan yihiin tababarka ay soo qaateen iyo diyaargarowgooda ku aaddan howlaha amniga ee ay bulshada u hayn doonaan.